975 Views

Qarax lala eegtay goor dhawayd Agaasime waaxeedka ka tirsan deegaanka Daaru-salaam ee degmada Yaaqshiid.

Qarax lala eegtay goor dhawayd Agaasime waaxeedka ka tirsan  deegaanka Daaru-salaam ee degmada Yaaqshiid.
____________________________________________________________________________

 February 21, 2021 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax miinada dhulka lagu aaso oo goor dhawayd ka dhacday agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Balcad, gaar ahaan nawaaxiga warashadda Xeyla Bariise ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo dhawaqiisa laga maqlay Muqdisho oo dhan waxaana lala eegtay agaasime waaxeedka deegaanka Daaru-salaam ee degmada Yaaqshiid.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in miinadan ay ku dhinteen illaa labo qof oo shacab ah, sidoo kale uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamay in qaraxaan ay ku burburtay mooto Bajaaj mareysay wadada, xilliga ay qaraxday miinada oo aheyd nooca dhulka lagu aaso.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah, kadib dhacdada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post