717 Views

Maxkamadda sare ee Dalka cummaan oo go,aan ka soo saartay kiis markab dhuxul siday oo somaliya ka baxay

Maxkamadda sare ee Dalka cummaan oo go,aan ka soo saartay kiis markab dhuxul siday oo somaliya ka baxay
____________________________________________________________________________

Axad: July 24, 202

Maxkamadda sare ee dalka cummaan ayaa markii ugu horreysay go,aan kasoo saartay kiis laxariiray markab siday dhuxul kaasi oo lasheegay inuu ogalaansho kaheystay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Somalia arrintaas oo sababtay in shaqada laga joojiyo wasiirka arrimaha dibadda cabdi siciid muuse.

Go,aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee cummaan ayaa hadda lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Somali aysan kulug laheyn wax qalad ah oo laxariira kiiska markabka dhuxusha ,sidoo kale lama helin wax cadeyn ah oo muujinaya in markabkan uu ogalaansho kahelay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ama hay,adaha ay quseyso arrintan si dowladda cummaan ay usii deyso markabkaas oo dhuxul siday sida lagu xusay qaraar kasoo baxay maxkamadda sare ee dalka cummaan.

Bishii may ee sanaddan ayay aheyd markii shaqada laga joojiyay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Somalia cabdi siciid muuse kaasi oo lagu eedeeyay in wasaaradda arrrimaha dibadda ay kulug leedahay kiis markab dhuxul siday oo lasheegay in lagu qabtay cummaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post