324 Views

Kuuriyada Waqooyi oo gantaal loogga shakisan yahay ku gantay hawada Japan

Kuuriyada Waqooyi oo  gantaal loogga shakisan yahay ku gantay hawada Japan
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 4, 2022

 Kuuriyada Waqooyi, ayaa gantaal loogga shakisan yahay ku gantay hawada Japan, taasoo u muuqata mid si ula kac ah loo riday, si loo jiheeyo dareenka maamulada Tokyo iyo Washington.

Gantaalka Ballistic-ga, ayaa waxa uu ku socday ilaa iyo 4,500km (2,800 mayl), kahor inta aanu ku dhicin Badweynta Baasifigga, waxa uu gaari karayaa haddii mar kale la rido jasiiradda Guam ee Maraykanka.

Waa gantaalkii ugu horeeyay ee Kuuriyada Waqooyi ay ku tuurto Japan, tan iyo sanadkii 2017-kii.

Riditaanka gantaalka, ayaa kusoo beegmay xili dowlada Japan ay soo saartay digniin naadir ah, oo ku socota muwaadiniinta, si ay u feejignaadaan.

Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday Kuuriyada Waqooyi inay tijaabiso hubka ballistic-ga iyo hubka nukliyeerka.

Ridista gantaalada ee ku wajahan ama gaaraya wadamada kale, iyada oo aan wax wargelin ah loo gudbinin, ama lagala tashan, waxay sidoo kale ka hor imanaysaa xeerarka caalamiga ah.

Waddamada badankoodu waxay ka fogaadaan inay si buuxda u sameeyaan, maadaama si fudud looggu qaadan karo weerar.

Inkastoo aysan u weynayn sida tijaabada nukliyeerka ridistan gantaalkan u danbeeyey, laakiin waxaan la ogeyn tallaabada xigta, iyadoo loo qaadan karo mid wax kicinaysa ama dagaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post