1305 Views

Wararka SAWIRO:-Dhimasho ka dhalatay Shil gaari oo ka dhacay Magalada Baydhabo

Wararka SAWIRO:-Dhimasho ka dhalatay Shil gaari oo ka dhacay Magalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019 Wararka laga helayo Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaariga shilka galay uu ahaa midka Xambaara Wiishka,isla markaana uu ku dhacay Buundada weyn ee loo yaqaano Isha Baydhabo.

Inta la xaqiijiyey Darawalka gaariga iyo wiil arday ah ayaa shilkaasi Gaari ku geeriyoodeen,sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan Magalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Gaariga Shilka galay ayaa wararka aan helnay waxa ay sheegayaan inay leedahay shirkadda Korontada BECO,waxaana jira burbur xoogan oo gaaray Gaariga Shilka galay.

Qaar ka mid ah Bulshada ku nool Magalada Baydhabo iyo Maamulka degmada ayaa u gurmaday Gaariga Shilka galay, iyada oo la qorsheeyey in Gaariga laga soo bixiyo godka buundada oo uu ku dhacay.

Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal ay badi sabab u yihiin burbruka Wadooyinka,waxaana shilka Maanta Baydhabo ka dhacay uu kusoo aadaya xilli shalay duleedka Hargeysa shil ka dhacay ay dad ku dhinteen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment