864 Views

Dowladda Turkiga oo aad u cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Dowladda Turkiga oo aad u cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.
____________________________________________________________________________

Dowladda Turkiga,  ayaa cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Weerarkaas oo toorrey loo adeegsaday ayaa lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay.

Labadan qof ayaa kala ahaa haweeney iyo nin lagu gowracay gudaha kaniisadda, sida ay wararku sheegayaan.

Haweeney kale oo ku carartay maqaayad u dhoweyd goobta uu weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in qofka weerarka fuliyay uu dhowr jeer toorrey ku dhuftay, dhaawac ka soo gaarayna ay u geeriyootay.

sidoo kale Turkiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid “wuxuushnimo ah” oo aan la aqbali karin waxayna sheegtay inay sida ugu xooggan u cambaareyneyso.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post