591 Views

Alshabaab oo gurigiisa kala baxay guddoomiyihii maxkamadda Buurhakaba, Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf, kadibna ay gowraceen

Alshabaab oo gurigiisa kala baxay guddoomiyihii maxkamadda Buurhakaba, Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf, kadibna ay gowraceen
____________________________________________________________________________


khamiis December 23, 2021

 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa ka dhacay dhacay bartamaha degmadaasi, iyada oo lagu beegsaday mas’uul ka tirsan Koonfur Galbeed, sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay gurigiisa kala baxeen guddoomiyihii maxkamadda Buurhakaba, Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf, kadibna ay gowraceen

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku khaarijisay Manuur Sheekh Yuusuf oo ahaa guddoomiyihii maxkamadda Buurhakaba.

War laga sii daayey Idaacadda Andaluus ee ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan kooxda ay gudaha u galeen degmada, kadibna ay dileen madaxii garsoorka ee Buurhakaba.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo la xiriira weerarkaas ay guusha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay dhankooda howl-gallo ka bilaabeen magaalada, iyaga oo baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi uu dilku ka dhashay.

Buurhakaba ayaa ka mid ah degmooyinka waa weyn ee gobolka Baay, waxaana inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post