882 Views

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo sheegay in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaha Muqdisho Stadium

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 21-2019 —Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Al-Shabaab ay joojiyeen  dhismayaasha Hotel SYL iyo garoonka kubadda ee Stadium Muqdisho.

 

Waxaa uu sheegay in labadaasi xarumood aysan hadda ka socon wax dhismo ah, maadaama Shirkaddihii dhismaha ka waday Al-Shabaab ay ku amreen in ay joojiyaan.

Waxaa uu sidoo kale dowladda dhexe ee Soomaaliya uu ku eedeeyay in aysan difaacin karin Hantida ganacsatadda Soomaaliyeed hadii ay diidaan Amarka Al-Shabaab.

Qoraal dheer oo uu kaga hadlay Arintaasi ayaa sidaan u qornaa:

Waxaan xog ku heynaa in aysan wax shaqo ah ka socon dhismihii ay Al-Shabaab joojiyeen ee ka socday Stadium Muqdisho, waxaan kaloo xog ku haynaa in Al-shabaab ay hor istaageen dayactir lagu sameyn lahaa Hotel SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku wargeliyeen shirkadihii dhismaha in ay hawshaas qaban karaan; haddii ay bixiyaan magta wiilashii looga dilay goobtaas oo ay ula jeedaan kuwii sedaxda jeer hoteelka isku qarxiyey.

 

Waxaa wax laga naxo ah iyadoo amnigii Muqdisho sidaa u dayacan yahay in ay dawlada Federaalka ah caqli quursi ku samayso shacabka Soomaaliyeed oo la soo gole istaagto sababta ay xayiraada u saareen duulimaadka tooska ee Kismaayo ay amaanka dartii tahay.

 

Madax bannaani Qaran waxaa halbeeg u ah awoodda ay dowladi u leedahay in ay xukunto xudduudaha dhul, bad iyo cir ee dalkeeda.

 

Dowladda Federaalka ah ma laha awood xukun oo ay dalka oo idil uga taliso, laakiin deegaannada dowlad goboleedyada dalka oo aysan ka talin ayaa si mutadawacnimo ah ugu tanaasulay dawlada Federaalka ah si loo celiyo qarankii Soomaaliyeed una ogolaaday in ay magaca Soomaaliya ku metasho.

 

Socdaalka hawada waa awood maamul oo ay dawlad Goboleedyada iyo Somaliland oggoladeen in gacanta loo geliyo Dowladda Federaalka ah, nasiib darase tilaabi ugu horaysay ee lagu tijaabiyey in la aamino Dowladda Federaalka ah, madaxda haatan talada haya ayaa ku takrifalay awooddii lagu aaminay oo waxey u adeegsadeen dano siyaasadeed .

 

Maanta diyaarada ka duusha Afmadow oo 30 kiilo Mitir Kismaayo u jirta ma tegi karto Kismaayo, haddii aysan Muqdisho soo marin .

 

Haddaba haddii awooddii qaranimo ee lagu tijaabiyey Dowladda Federaalka ah ay sababo siyaasadeed ugu takri fasho sideebay Soomaali isku aaminaysaa oo midnimo ummadeed iyo madax bannaani qaran lagu gaarayaa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment