1074 Views

Musharax Xuseen Cabdi Xalane “ hadii aan ku guuleesto Doorashada, waxan bilaabayaa in dalka aan ku hogaamiyo, Daawo

Musharax Xuseen Cabdi Xalane “  hadii aan ku guuleesto Doorashada, waxan bilaabayaa in dalka aan ku hogaamiyo, Daawo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2020 – Musharax  Madaxweyne Xuseen Cabdi Xalane  kana mid ah musharixiinta u taagan  Doorashada Madaxweynanimo ee  2021- horayna u soo Noqday Wasiirkii hore ee maaliyada Dowladii Xasan sheikh, haatana ka mid ah musharixiinta loogu hadalka badan yahay inay hantaan Xukunka dalka  ayaa la hadlay barnaamijka Hanoolaato, waxa uuna ka war bixiyay hadii uu ku guuleesto  Doorashada madaxtinimada Dalka 2021- halka uu u Hogaaminayo Somaliya iyo Rajadiisa siyaasadeed.

Musharax  Madaxweyne Xuseen Cabdi Xalane   oo u waramayay barnaamijkaas ayaa ka hadlay xaalada Dalka iyo sida ugu haboon oo ay Somali u midoobi karto, si looga baxo xaaladan adag oo ay Somali ku jirto 30- Sano ee la soo dhaafay.

Muuqaalka Qeybta Koowaad halkaan ka daawo

“ aniga waxaan qabaa in talada Somalida ay ku soo Noqoto, waxa ugu horeeya aan qabanayo in shirweyne Soomaliyeed la iskugu yimaado,  sidaan aan ku jirno si lagu jiri karo maahan. Mida kale alshabaab see laga yeelayaa, aniga waxaan qabaa in shabaab lala xaajoodo oo Dowlada ay ka mid noqdaan Wilasha yaryarka ah ay xabada ku laynayaan si loo Bad baadiyo”ayuu yiri Musharax Madaxweyne Xuseen Cabdi xalane oo la hadlayay barnaamijka Hanoolaato.

“ Somaliland in loo dhigo Gogol daacad ah oo Somali kaliya isku soo hor fariistaan, oo aysan garwadeen ka ahaynh IGAD Jamacada Carabta Beesha Caalamka iyo dalalka Dariska ah  oo ay isi soo hor fadhiistaan Siyaasiyiinta labada Gobol, Somali ahaan ayaa loo wada  hadlayaa”ayuu mar kale Yiri Musharax Xuseen Cabdi Xalane.

la soco warbixinta Qeybta labaad.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post