483 Views

shirka looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliya oo lagu qabtay Sucuudiga

shirka looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliya oo lagu qabtay Sucuudiga
____________________________________________________________________________

Axad:AUGUST 14, 2022

Shir looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliyo iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay ayaa lagu qabtay magaalada Riyaadh ee caasimadda dalka Sacuudiga.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Bisha cas ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay lataliyaha koowaad, ahna sii-hayaha safaraadda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga Mudane Abshir Warsame Diirshe, waxaana shirka si gaar ah looga waramay xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha iyo sidii ay hay’adaha Bisha cas iyo Laan-qeyrta cas gacan uga gaynsan lahaayeen gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Mudane Abshir Warsame Diirshe oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay garab istaagaan dadka abaaraha iyo colaaduhu wax-yeelleeyeen ee ku dhaqan gobollada dalka Soomaaliya, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in caalamka u gurmad deg deg ah sameyn doono.

Dowladda Federaalka oo kaashanaya hay’adaha gargaarka ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo u qareemida gurmadka abaaraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post