939 Views

Madaxweyne Deni oo kulamo ka wadda Nairobi iyo Axmed Madoobe oo kusii jeedda

Madaxweyne Deni oo kulamo ka wadda Nairobi iyo Axmed Madoobe oo kusii jeedda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 03, |  2020—Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo siyaasadeed waxaa uu ka bilaabay Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, halkaasi oo ay ku sugan yihiin inta badan Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Madaxweyne Deni ayaa la kulmay siyaasiyiin miisaanleh oo damac kaga jiro Doorashada soo socota iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Xubno ka mid ah Sirdoonka dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramaya in uu kula kulmay Magalada Nairobi.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna lagu wadaa in uu maalmaha soo socda gaaro Magaalada Nairobi, islamarkaana ku biiro kulamada siyaasadeed ee uu halkaasi ka wado Madaxweyne Deni.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post