2265 Views

Dowlada Maryakanka Oo Sheegaty in Ay Duqeen Ka Geesteen Duledka Muqdisho

Dowlada Maryakanka Oo Sheegaty in Ay Duqeen Ka Geesteen Duledka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Ogoosto 29, 2018 –War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu xaqiijiyay in Ciidamada Mareykanka ay weerar ka fuliyeen degaan 40KM koofur Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay Mareykanka ayuu ku sheegtay in lagu dilay saddex xubnood oo ka mid ah AL-shabaab,waxaana lagu daray in uu socdo baaritaan la xiriira in uu khasaare gaaray dad Rayid ah.

Mareykanku waxaa uu sheegay in isaga oo fasax ka heysta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu weerarka ka fuliyay Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Afrikom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka,kuwa AMISOM iyo Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ay iska kaashanayaan sidii loo wiiqi lahaa Awoodda AL-shabaab islamarkaana looga hortagi lahaa weerarrada ka dhanka ah AL-shabaab.

Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu la shaqeynayo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si looga adkaado Al-shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment