735 Views

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Raila Odinga

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Raila Odinga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15, 2020 –Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saakay la kulmay ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Fariin uu bartiisa twitter-ka soo dhigay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa waxa uu ku sheegay in Raila ay ka wada hadleen arrima la xiriira amniga iyo hormarka deegaanka.

Mr Biixi iyo wefdi uu hogaaminayo oo maalintii Axadda ahayd soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sidoo kale inta ay Kenya ku sugnaayeen waxaa ay kulamo la qaateen madaxweynaha Kenya iyo masuuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan.

Kulanka ayaa yimid xilli Dowladda Soomaaliya ay  ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowladda Kenya ka dib markii ay ku eedeysay in ay faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dublomaasiyiinteeda Soomaaliya in uu si deg deg ah uga soo baxo dalka Kenya,iyada oo sidookalana dowladda Soomaaliya ay amartay in duplomaasiyiinta Kenya ay 7 cisho dalka uga baxaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post