372 Views

Dowladda UK oo Soomaaliya ugu deeqday dhaqaale wax looga qaban doono Abaaraha

Dowladda UK oo Soomaaliya ugu deeqday dhaqaale wax looga qaban doono Abaaraha
____________________________________________________________________________

Khamiis:SEPTEMBER 22, 2022


Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday dhaqaale wax looga qabanayo Abaaraha ba’an ee ka jirta qeybo kamid ah Soomaaliya, taasi oo gargaar binu aadanimo loogu samayn doono dadka ay saameeyeen Abaaraha.

Wasiirka horumarinta Vicky Ford oo ka qeyb galaya shirka Qaramada Midobay ayaa ku dhawaaqday £22.8 milyan oo Europe taageero cusub ah si loogu caawiyo kumanaanka qof ee ku nool guud ahaan Soomaaliya.

“Boqortooyada Midowday (UK) ayaa door hoggaamineed ka qaadanaysa wax ka qabashada caalamiga ah ee dhibaatadan. Waxaan bixineynaa haqab-beel cunto, caafimaad, nafaqeyn iyo taageero nafeed oo muhiim ah nus milyan qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya, iyadoo lagu taageerayo dhaqaalaha lagu dhawaaqay”.

Dhaqaalahan ayaa la qorsheeyay in loo maariyo in laga dhigo cunto, biyo, caafimaadka iyo lacag caddaan oo loo qeyb doono dadka ay saamaynta u gaysteen Abaaraha ka jira dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post