909 Views

Somaliland oo faahfaahisay Faaida ugu jirta Xiriirka maamulka Twain

Somaliland oo faahfaahisay Faaida ugu jirta Xiriirka maamulka Twain
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 21 2020–Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa shaaciyey in xiriirka ay yeesheen Somaliland iyo Taiwan uu noqon doono mid adag oo labada dalba ugu jirto masaalix wadajir ahi.

Xiriirka Somaliland iyo Taiwan wuxuu bilaabmay muddo hore, waxaanu soo maray marxalado kala duwan. Wuxuu ku bilowday Arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada. Mana ay jirin kullamo rasmi ah oo ay yeesheen madaxda labada dhinac.

“Waxaan rumaysan nahay in ay jirto fursad weyn oo labada dalba faa’iido ugu jirto. Taiwan waa dal horumaray oo ka faa’iidaysan kara bogcada muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taallo, taasi oo kadin ama marin u ah dalalka aan badda lahayn ee Afrika” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxa kaloo ay Somaliland leedahay khayraad dihin oo aan ciddi taaban oo ay ka mid yihiin Kalluumaysiga, Xoolaha nool iyo noocyada kala duwan ee macdanta iyo shiidaalka”

Wasiir ku xigeenka waxaa uu tilmaamay in  maalgashadeyaasha Taiwan ay fursad u haysataan inay maalgashadaan wixii labada waddanba dan u ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post