783 Views

Muwaadiniin u dhashay Hindiya oo ku sugan Somaliland oo laga helay Covid 19

Muwaadiniin u dhashay Hindiya oo ku sugan Somaliland oo laga helay Covid 19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 02, 2020–Soomaaliland ayaa Maanta oo Talaado ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.
Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa siddan u qorneyd:
Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 80
Lix iyo labaatan qof (26) ayaa laga helay xanuunka, 22 waa Somalilander, halka 4 qof ay udhasheen Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 7 qofna waa dumar
Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(10jir ilaa 19jir = 2 qof)
(20jir ilaa 29jir = 9 qof)
(30jir ilaa 39jir = 7 qof)
(40jir ilaa 49jir = 6 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)
Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof
Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48)

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment