858 Views

Ururka Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuiyadda weerar xalay ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu.

Ururka Al-Shabaab oo  sheegatay mas’uuiyadda weerar xalay ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu.
____________________________________________________________________________

isniin: January 10, 2022

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuiyadda weerar xalay ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3 qof.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale tebiyey teoefiishanka Citizen ee dlaka Kenya.Telefiishanka Citizen waxa uu soo tebiyey oo kale in weerarku ka dacay degaanka Kibaoni.

Sida laga soo xgtay warbahainta Al-Shabaab taageerta, weerarku waxa uu ka dacay Wito iyo Salaama.

Booliiska dalkaasi ayaan weli ka hadlin weerarkan u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Lamu xalay.

Hase yeeshee booliiska Kenya waxay ka hadleen weerar ka dhacay Lamu Jimcihii oo ay ku dhinteen afar ka tirsan ciidamada booliiska sida ay qoreen Wargaysyada The Star iyo The Standard.

Booliisku waxay qireen in baabur uu leeyahay ciidanka booliiska oo ilaalo ku jiray lagu qaaday weerar gaadmo ah.Warbaahinta Kenya waxay tebiyeen in baabuurkaas lala helay baasuuke.

Sidoo kale Weerarrada ka dhacay gudaha dalka Kenya ee loo tirinayo ururka Al-Shabab ayaa sannadkan gudihiisa gaaraya afar weerar, waxauuna Weerarkaan ku soo aadayaa Xili Bandow uu ka jiray Gudaha magaalada Xiliyada hababeenkii ah..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post