828 Views

Maxay ka wada hadleen Duqa Muqdisho & Safiirka Turkiga?

Maxay ka wada hadleen Duqa Muqdisho & Safiirka Turkiga?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18 2021–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar-Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaz.

Labada Masuul ayaa kawada hadlay si wadidda Mashaariicda Horumarineed ee Dowladda Turkigu ka wado Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaaladda ayaa ka mahadceliyey Kaalinta horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka wado gudaha Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaalya, waxaana ay ka caawisaa dhinacyada amniga, Tababarada Ciidamada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post