672 Views

Mareykanka iyo Ingiriiska oo muwaadiniintooda ku amray inay si deg-deg ah uga soo baxaan ….

Mareykanka iyo Ingiriiska oo muwaadiniintooda ku amray inay si deg-deg ah uga soo baxaan ….
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 08, 2021 —Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaaray diginiin ku wajahan muwaadiniintooda, iyagoo ku boorriyaya inay si deg deg ah uga soo baxaan dalka Afghanistan

“Marka la eego xaaladaha amniga iyo shaqaalaha oo la yareeya, awoodda Safaaradda ee ah inay caawiso muwaadiniinta Mareykanka ee Afghanistan aad bay u xaddidan tahay xitaa gudaha Kabul,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Kabul.

Diginiintan ayaa la mid ah digniino hore uga soo baxay labada dal, waxaana bishii Apriil, Mareykanku uu amar ku siiyay dhammaan shaqaalaha safaaradda inay ka shaqeyn kara meelo kale oo ka baxsan Afghanistan.

“Waxaan si joogto ah u caddaynaynay in aan la hubin xaaladda ammaan,” ayuu yiri afhayeenka Safaaradda Ingiriiska.

Rabshadaha Afghanistan ayaa si isdaba joog ah u kordhay tan iyo markii lagu dhawaaqay in ciidamada shisheeye ay ka baxayaan, waxaana Taalibaan ay weerartay meelo badan oo dalkan ah, iyagoo qabsaday dhul ballaaran oo ay ka mid yihiin xuduudo muhiim ah.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post