876 Views

Ahlusunna oo wada qorsho ay ku shaacineyso Xildhibaano Cusub

Ahlusunna oo wada qorsho ay ku shaacineyso Xildhibaano Cusub
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 28-2020—Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada muqdisho ay ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna ay wadaan qorshihii ugu dambeeyey ee ku aadan shaacinta Xildhibaano ay qorteen.

 

Xrunta Inji oo ah fadhiga hoggaanka Ahlusunna ay ku shaaciyaan Liiska 89 Xildhibaan,kuwaas oo la sheegay in isla maanta ay dooranaya Guddoon Baarlamaan oo ka madax banaan kii dhowaan la doortay.

 

 

 

Ahlusunna ayaa horey waxaa ay u sameysay guddi doorsho,kuwaas oo diiwaangeliyey musharixiin Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen,kadib khilaaf soo kala dhex-galay dowladda Soomaaliya.

 

Xaalka khilaafka Galmudug ayaa haatan gaarey meeshii ugu sareysa,waxaana dhuusamareeb ka socda dhismaha laba maamul halka Madaxweynihii Galmudug ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu isagana dhismaha Maamul Cusub uu ka wado magaalada Gaalkacyo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment