432 Views

Taliyaha Ciidan Xoogga Dalka Jen, Odowaa oo sheegay in gabi ahaan ay burburiyeen xaruntii ay deegaanka Bukure ku lahaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidan Xoogga Dalka Jen, Odowaa oo sheegay in gabi ahaan ay burburiyeen xaruntii ay deegaanka Bukure ku lahaayeen Al-Shabaab.
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 3, 2022

Taliska militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku dileyn howlgal ay sheegeen inuu ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Hiiraan.

“Degaanka Bukure oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiran oo ay ciidanka xoogga dalka ka sameeyeen howlgal ayay ku dileen 30 dagaalame iyo saraakiil katisan al-shabaab.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay militeriga Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen ku dhawaad 20 qori oo isugu jira kuwa culus iyo kuwa fudgud.

Taliyaha Ciidan Xoogga Dalka Jen, Odowaa Yuusuf  Raagge oo warbaahinta Dowladda la hadlay, ayaa sheegay in gabi ahaan ay burburiyeen xaruntii ay deegaanka Bukure ku lahaayeen Al-Shabaab.

Dagaal u dhaxeeyey Ciidamadda Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa shalay ka dhacay deegaanka burkure, kuwaas oo ciiidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen fariiso Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaas.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo dhankooda ugu hadlayaam dagaalkii shalay oo militeriga Soomaaliya ay sheegeen in khasaaro ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post