606 Views

Ciidamada Ruushka oo si buuxda gacanta ugu dhigay magaalo ku taal Ukraine”

Ciidamada Ruushka oo si buuxda gacanta ugu dhigay magaalo ku taal Ukraine”
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa hadda gacanta ku haya magaalada la duqeeyay ee Severodonetsk ee bariga Ukraine, sida uu sheegay duqa magaaladaas.

“Ruushka waxay si buuxda u qabsadeen Severodonetsk, ciidankeenu waxay dib ugu gurteen goobo diyaarsan,” Oleksandr Stryuk ayaa u sheegay Telefishinka Ukraine.

Duqeymaha Ruushka oo todobaadyo socday ayaa inta badan magaalada ka dhigay mid burbursan.

Dad badan oo rayid ah ayaa gabaad ka dhiganayay warshada kiimikada ah ee Azot, balse Mr Stryuk wuxuu sheegay in dariiqa kaliya ee looga bixi karo hadda ay tahay in la sii maro dhulka uu Ruushka haysto.

Severodonetsk, oo mar hoy u ahayd ilaa 100,000 oo qof, ayaa waxaa soo maray dagaallo kharaar oo jidadka lagu dagaallamay, badi dadkii degganaana way ka qaxeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post