1155 Views

Qasaare ka dhashay dagaalkii dhex maray ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug oo soo kordhaya.

Qasaare ka dhashay dagaalkii dhex maray  ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug oo soo kordhaya.
____________________________________________________________________________


Khamiis: September 30, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo maanta ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug ku dhex-maray deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in caawa dagaalka uu joogsday maqribkii, waxaana ka dhashay dagaalkaas qaasaare badan oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo shacabka.

Wararka ayaa intaa ku daraya ku dhawaad 25  qof oo iskigu jira dhinacyadii dagaalamay iyo shacab ay halkaas ku dhinteen waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof.

Sidoo kale Xaalada guud ee deegaanka lagu dagaalamay ayaa hadda degan, waxaana ka taagan cabsi ah in markale uu dagaal ku dhexmaro sidii saaka ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post