858 Views

Puntland oo shuruud ku xirtay ka qeyb-galka Shirka Dhuusamareeb

Puntland oo shuruud ku xirtay ka qeyb-galka Shirka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-17-2020–War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu cadeeya mowqifkooda ku aadan ka qeyb-galka Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Puntland waxaa ay sheegtay in ay marka hore bogaadibeyso qodobadii kasoo baxay shirarkii hore uga dhacay Magaalada dhuusamareeb, sidoo kale ay ka xun tahay Go’aankii shari carrada ahaa ee Golaha Shacabka ay ku rideen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre.

War-Saxaafadedka kasoo baxay Puntland oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu taageeray hadalkii shalay kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, iyad aoo shuruud lagu xiray ka qeyb-galka Shirka Magaalada Dhuusamareeb.

Puntland ayaa soo bandhigtay sababaha ay ku diiday ka qeyb-galka Wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb 5 Saharuudood oo ku saabsan xaalada dalka iyo go’aamada kasoo bixi kara shirka, kuwaas oo kala ah.

1: In Baarlamaanka ay si aan sharci aheyn u rideen Xukuumadii ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

2: In Madaxweynaha si aan waafaqsaneyn Dastuurka uu u magacaabay siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha taas oo kasoo horjeeda qodobka 103aad ee dastuurka kumeel gaarka ah e Dowladda federaalka.

3: In madaxweynaah uu si farsamo ahaan ah u daahiyay soo Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha si aysan u hirgelin is-afgaradkkii Dhuusamareeb 2 iyo qabsoomida Dhuusamareeb 3.

4: In Dowladda Federaalka si la tashi la’aan ah isugu gaar yeeshay talada iyo tirada Guddiga farsamada ee ka talo bixinta Arrimaha doorashooyinka.

5: In khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ay aheyd mid muujineysa sida ay Madaxweynaha uga go’an tahay marin habaabinta dadaalada ay dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka in si isla ogol ah looga wada Shaqeeyo qabsoomida doorashada 2021.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Dowlad Goboleedka Puntland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post