1278 Views

Arrin argagax leh oo ka dhacday garoonka Kabul & Warbaahinta oo hadal heysa

Arrin argagax leh oo ka dhacday garoonka Kabul & Warbaahinta oo hadal heysa
____________________________________________________________________________

Talaado: August 17, 2021

Dhacdooyin argagax leh ayaa laga soo sheegayaa garoonka diyaaradaha ee Kabul iyadoo kumanaan dad ah ay isku dayayaan inay dalka cararaan kadib qabsashadii caasimada Afgaanistan ​​ee Taliban.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen fowdada garoonka, oo ay ammnigiisa sugayaan ciidamada Mareykanka markii rasaas lagu furay

Duulimaadyadii ganacsiga ayaa inta badan la hakiyay, iyadoo ay garoonka ku xayirmeen boqolaal qof oo reer Afgaanistaan ​​ah iyo dad kale oo ajaaniib ah, iyadoo Mareykanka iyo dalal kale ayaa isku dayaya inay daad gureeyaan shaqaalaha iyo xulafadooda.

Dhacdada ugu  argagaxa badan ee laga soo werinayo garoonka Kabul ayaa aheyd dad badan oo qabsaday taayerada dayuurad milateri oo garoonkaas ka duuleysay kuwaasoo dhulka ku soo dhacay markii dayuuradaas ay hawada gashay ka diba geeriyooday.

Dadka dayuuradaas qabsaday ayaa ku soo dhacay qaar ka mid ah dhismayasaha ku yaalla magaalada Kabul dushooda, halkaasoo meydkooda laga soo helay.

Warbaahinta caalamka ayaa baahineysa dad boqolaal gaaraya oo eryanaya dayuuradan iyo qaar ka soo dhacaya dayuurada oo hawada ku jirta.

Dib u soo noqoshada Taalibaan ayaa soo afjaraysa ku dhawaad ​​20 sannadood oo isbaheysiga uu horkacayo Mareykanka uu dalka ka joogay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post