7020 Views

Maalinta dalxiiska aduunka oo Muqdisho laga xusay

____________________________________________________________________________

Sanabka_muqdisho-541x264 (1)

Muqdisho, 27 September 2015: Munaasabadaan lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dalxiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, laguna qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka cadaaladda, Ku-simaha Wasiirka beeraha, Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, Wasiiru-dowlaha Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaarada, agaasime waaxeeydada Wasaaradda Warfaafinta, mas’uuliyiin ka socootay hotelada Muqdisho iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf bahlaawi ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah uu u leeyahay dalxiiska dhanka bulshada iyo Wasaarada.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in Wasaaradda ay waddo qorshe dib loogu soo celinayo xarumihii dalxiiska
Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dib u dhiska ee xukuumada Soomaaliya Eng, Saalax ayaa sheegay in soomaaliya uu Allle ku maneystay kheyraad kala duwan, loona baahanyahay in laga wada faa’iideysto.
Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilk-jiir oo xafladda soo xiray ayaa sheegay in xuska maalinta caalamiga ah ee dalxiisa ay tahay maalin ku weyn bulshada caalamka, isla markaana ay Xukuumada sameyn doonto maalin u gaar ah Soomaaliya.
Beri-samaadkii Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalka ugu dalxiiska badan, taasi o ay ka soo geli jirtay daqli aad u fara badan, waxaana haatan Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ay wadaa qorshe ku aadan sidii arrimahaasi dib loo soo celin lahaa.

————————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment