540 Views

MW Xasan Sheekh oo wado la tashigii ugu dambeeyay ee lagu magacaabayo R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

MW Xasan Sheekh oo wado la tashigii ugu dambeeyay ee lagu magacaabayo R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu wadaa  la  tashadii ugu dambeeyay ee lagu magacaabaya R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa waxaa uu kulamo la qaadanayaa in siyaasiyiinta Somaaliyeed iyo qeybaha Bulshada.

Ujeedka kulamadan ayaa waxaa ay yihiin la tashiyo uu qeybaha bulshada la qaadanayo, islamarkaana ka dhageysanayo aragtidooda ku aadan cida ku haboon wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in Madaxweyne Xasann Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqo R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaysa in siyaasiyiin horey xilal ugu soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo kuwa ku cusub saaxada siyaasadda ay codsigooda u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post