906 Views

AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay Banaanbaxyada ka socda Mareykanka

AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay Banaanbaxyada ka socda Mareykanka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 02, 2020–Ugu yaraan 5,600 oo qof ayaa lagu qabtay magaalooyin ku yaal dalka Mareykanka tan iyo markii ay bilowdeen banaanbaxyadda looga soo horjeeday geerida George Floyd.

Sidda lagu sheegay Warbixin ay daabacday Wakaaladda AP dhammaan dadkaan ayaa waxaa xiray Ciidanka Ilaaladda Qaranka oo bilaabay howlgal ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan banaanbaxyadda.

Feeryahanka caanka ah Floyd Mayweather ee u dhashay dalka Mareykanka ayaa ballanqaaday lacagta ku baxaysao aaska George Floyd, sida ay xaqiijisay shirkaddiisa.

Mayweather ayaa wargayska Hollywood Unlocked u sheegay inuu la xiriiray qoyska Floyd si uu taageero ugu muujiyo.

Dad ku dibadbaxayay barxad ku dhaw Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa loo adeegsaday sunta dadka ka ilmaysa, si madaxweynaha dalkaas Donald Trump loogu furo jid xilli uu u socday kaniisad.

Donald Trump, ayaa ku hanjabay inuu ciidamo gayn doono jidadka si uu uga saaro dadka halkaas dibadbaxyada ka wado.

Ka dib geeridii uu ku dhex dhintay saldhig boolis oo ku yaal magaalada Minneapolis ninka Marakanka Madow ahaa ee George Flyod, ayaa ciyaartoyga kooxda Liverpool badhtamaha garoonkooda Anfield ku soo bandhigeen sawir fariin taageero ah oo ay gudbinayaan.

Sawirku wuxu muujinyaa 29 ciyaartoyga kooxda ah oo iyaga oo jilib qudha dhulka wada saaray goobada dhexe ku waregsan, waxaana hoosta lagaga qoray sawirka erayda ah “Midnimadu waa xoog. #BlackLivesMatter”.

Shaqaalaha Facebook waxay sheegeen iney ‘ceeb dareemayaan’ maadaamaa qoraalka muranka dhaliyey uu madaxweynaha Trump toddobaadkii hore soo dhigay boggiisa Facebook aan laga saarin.

Mr Trump ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray qoraal ku aaddan mudaharadyada ka socda Minneapolis oo la mid ah kuwi ay Twitter horay u diidday.

Twitter waxay madaxweynaha u dirtay digniin ku aaddan qoraallada uu bartiisa Twitter-ka soo dhigo, balse Facebook waxay sheegtay iney ku xadgudbeyn shruucda u yaalla shirkadda Facebook.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment