831 Views

Deni”Ciidamada Gorgor Haramacad ee la sheego waxa ay ka dagaalameen Dhuusamareeb, Gedo iyo Daljirka daahsoon, lamana tagi karo Huriwaa iyo Afgooye”

Deni”Ciidamada Gorgor Haramacad ee la sheego waxa ay ka dagaalameen Dhuusamareeb, Gedo iyo Daljirka daahsoon, lamana tagi karo Huriwaa iyo Afgooye”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 21 2021–Madaxweynaha Maamulka Puntlaand Saciid Cabdullaahi Dani, ayaa si qoto dheer kaga hadlay xaaladihii ay soo wada mareen wada hadaladii dhaxmaray asaga iyo Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dani, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay in uu heesto ciidan diyaar u ahay waxna aysan dhacayn.

Waxaa uu sheegay in uu dhowr jeer uu ka xumaaday in uu la kulmay dadka Muqdisho kunool, wuuna u sheegay in uu heysto dadkaas.

Dani, Ayaa yiri “Maxaa dhacay Waa la gaaray 8Febaury aaway darbiyadii laga soo daadanayay ayuu i weydiiyay.

Madaxweynaha ayaa si kulul ugu eedeeyay Farmaajo in uu doonaayo burburka Magaalada Muqdisho.

“Ciidamada Gorgor Haramacad ee la sheego waxa ay ka dagaalameen Dhuusamareeb, Gedo iyo Daljirka daahsoon, lamana tagi karo Huriwaa iyo Afgooye” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post