759 Views

Weerar Khasaare Gaystay oo Afghanistan ka dhacay

Weerar Khasaare Gaystay oo Afghanistan ka dhacay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 25 2021–
Wararka ka imaanaya Dalka  Afghanistan ayaa sheegaya in weerar Gaari loosoo adeegsaday uu kabdhacay, kaasi oo ay ka dhasheen Dhimasho iyo dhaawac, sida laga soo xigtay ilo Maxali ah oo warbaahinta la hadlay.

Weearkaan ka dhacay Dalka Afghanistan ayaa inta la xaqiijiyay Waxaa ku dhintay lix xubnood oo ka tirsan xoogagga kacdoonka dadweynaha, halka afar kalena lagu dhaawacay, kadib markii bar-koontarool oo ciidamada amniga ee gobolka Herat ku sugnaa qaraxa lala eegtay.

Warbaahinta Gudaha ayaa kusoo waramaysa in Qasaaraha uu intaasi ka badanyahay, balse muuqaalo laga duubay goobta wax ka dheceen ayaa muujinaysa bur bur aad u baahsan.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadu weerarka, inkasta oo Badi qaraxyada Afghanistan ka dhaca ay dusha saarato Daacish. Dhanka kalane Dowlada Afghanistan ayaa wali wax war kasoo saarin weerarkaan.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post