1053 Views

DEG-DEG:-Midowga Musharaxiinta oo markale banaanbax ku dhawaaqay

DEG-DEG:-Midowga Musharaxiinta oo markale banaanbax ku dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 20 2021–Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta markale ku dhawaaqeen banaanbax kale oo ka dhacayo magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku sheegayaan in la qabto doorasho six or ah ku dhacdo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay markale qabanaayaan banaanbaxyo kale oo uu sheegay in dastuurka uu siinayo in dadku banaanbixi karaan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Warbahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in dibadbaxyada ay keenayaan nidaam dastuuri, caafimaad iyo in qofka Soomaliga ah uu xur u nqodo in uu cabiri karo dareenkiisa ayna u arkaan mab’da’ wanaagsan oo xiriir la leh hanaanka dowladnimada.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu Ciidamadii qaranka u adeegsaday in uu ku weeraro musharixiinta, isla markaana saraakiisha looga baahan yahaby in aysan qaadan amarka Madaxweyne muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

“ Waxaa nasiib darro ah on Ciidamadii aan ku naalooneynay inay dhidibada u aasaan qaranimada Maanta nagula weeraro, ciidamada waxaa ay ku dhisan yihiin sharci & dowladnimo hadii ay ka gudbaana ciidan maahan ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Sidoo kale Shirka Jaraa’id ee Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ka hadlay Afhayeenka Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle & Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana dhamaantood ay sheegeen inay banaanbaxa sii wadi doonaan.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post