1515 Views

Dib u dhac ku yimid Shirka Madaxda Maamul goboleedyada ee Garowe

Dib u dhac ku yimid Shirka Madaxda Maamul goboleedyada ee Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 10, 2018–Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa  sheegaya in shirkii madaxda maamul goboleedyada in uu dib ka yimid kaasoo lagu waday inuu maanta uga furmo madaxda maamul goboleedyada.

Ilo  ku dhow dhow  shirka ayaa sheegaya in wakiilka Qaramada Midoobey uu ka codsaday madaxda maamul  goboleedyada  inay dib u dhigaan shirka isla markaana laga wadahadlo sidii  loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira maamul  goboleedyada  dalka iyo dowlada  federalka ah.
Si rasmi ah looma oga xilliga uu bilaabanayo shirka balse warar ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada  ay aqbaleen in illaa beri shirka dib loo dhigo.

Madaxda maamulada Puntland,Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in ay maanta gaaraan Magaalada Garowe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment