774 Views

Musharax Madaxweyne Daahir Geelle “Qofka doorashooyinka boobaya waa qof aan isku kalsoonayn oo aaminsan in uusan rabitaanka dadkiisa kasban karin”

Musharax Madaxweyne Daahir Geelle “Qofka doorashooyinka boobaya waa qof aan isku kalsoonayn oo aaminsan in uusan rabitaanka dadkiisa kasban karin”
____________________________________________________________________________

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa farriin u diray Xildhibaanada cusub ee lagu doortay gobolada dalka, kuwaasoo dhawaan imaan doona Muqdisho si ay Madaxweyne u doortaan.
Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Cusub aysan ku qasbaneyn in ay doortaan dadkii soo saaray oo ay yihiin kuwo xor oo la rabo in aysan noqon la heystayaal.

Qoraal uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa.
HARDANKA QASAB iyo QANAACO!!
Xelliga casriga ah ee aan maanta nool nahay, waxaa la fahamsan yahay in uusan waarayn xukun xoog iyo qasab lagu qaatay. Waxaa la soo taabtay in badqabka xukumaha iyo la xukumahaba uu ku jiro hannaan dimuquraaddi ah iyo doorasho daahfuran oo xukunka lagu gaaro.
Qofka doorashooyinka boobaya waa qof aan isku kalsoonayn oo aaminsan in uusan rabitaanka dadkiisa kasban karin. Ficilladiisu waxay na leeyihiin “KUMA KASBAN KARO EE WAAN KU QASBAN KARAA”.
Xildhibaannada cusub waxaa looga fadhiyaa in ay sanduuqa ugu jawaabaan oo ay yiraahdaan “NALAMA QASBAN KARO EE WAA NALA QANACSAN KARAA”.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post