864 Views

C/raxmaan C/shakuur”Tan doorasho maaha ee waa ku shubasho

C/raxmaan C/shakuur”Tan doorasho maaha ee waa ku shubasho
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 24, 2021

Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook ayaa si weyn wuxuu u naqdiyey qaabka ay ku bilaabatay xulista Aqalka Hoose.

Warsame oo cuskadey xayiraadaha ay la kulmayaan musharaxiinta qaar iyo awooda ay madaxwayneyaasha maamuladu leeyihiin ayaa rumeysan in “tan doorasho maaha ee waa rogasho”.

Doorashada Aqalka Sare waxaa musharraxa kursiga Aqalka Sare u tartamaya soo magacaabayey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka, Baarlamaanka DG ka ayaana dooranayey. Ilaa 19 kursi oo keli ah ayaa lagu tartamay, inta kale tartan kama dhicin.

Waxaa indhaha looga laabtay doorashadu horay ha u socoto, laakiin kuraasta Golaha Shacabka odayaasha dhaqanka beelaha ayaa soo xulaya ergada dooranaysa xildhibaanka.

Waxaa yaab leh in iyadoon liiskii odayaasha dhaqanka la faafin, lana xaraynin, tababarna la siinin, shantii xubnood ee guddiga ahayd ee ergada soo xuli lahaa la dhisin, ergadiina la xulin, ayaa murashaxiintii la diiwaan geliyey.

Waxay la mid tahay murashaxiinta xilka madaxweynaha oo haatan la diiwaan geliyey, iyadoo xildhibaanadii la soo dooran. Tan
doorasho maaha ee waa rogasho.

Maxaase diidaya haddii qabiilka kursiga leh ay caasimadda dowlad goboleedka kursigooda si madaxbannaan ugu dooran karin , in halkii kale oo ay degaan kursigooda ku doortaan?.

Doorasho waa sharciyad (legitimacy) iyo in la aqbalo natiijada doorashada. Deriskeena laba doorasho oo la boobay ayaa ka dhacay.

Addis waxey ku dhamaatay ha lagu kala cararo, Abiy-na safka hore ee dagaalka ha aado. Halka Nairobi ay maxkamaddii Sare diidday natiijadii doorashada, dibna loogu celiyey mar kale doorashadii.

Guddiga doorashooyinka oo ka jawaabay walaaca musharaxiinta madaxtinimadda qaarkood ayaa ku adkeystay in ay ka go’an tahay ilaalinta sharciyadda, daahfurnaanta iyo xalaal noqoshadda geedi-socodka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post