1023 Views

Haweenay da’ ah oo lagu toogtay Muqdisho

Haweenay da’ ah oo lagu toogtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 28-2019 —Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen Haweeneyd da’ ah oo la sheegay in Shaah ku iibin jirtay Suuqa.

 

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha  meel u dhow Hoteelka Shaam.

Haweenayda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xadiyo, waxaana Muddo dheer ay halkaasi ku heysatay ganacsiga Shaaha sidda ay goobjoogayaal noo xaqiijiyeen.

 

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment