1335 Views

-Maamulka G/Banaadir oo War kasoo saaray Afarta Ruux ee la toogtay

-Maamulka G/Banaadir oo War kasoo saaray Afarta Ruux ee la toogtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 16, 2019 —Duhurnimadii  Maanta ayaa Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya waxaa ay agagarka Isgoyska Bakaaraha ku toogteen  Saddex Rag ah iyo Haweeneey doonayay inay dilaan Agaasimaha  Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdi Gare.

 

Goobta uu howlgalka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolkan Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuux iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

 

 

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolkan Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuux ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka dadkaasi lagu dilay ay is rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Booliska iyo saddexda raga ah ee la toogtay & Haweeneyda hubka u keentay.

 

Waxaa uu sheegay in raggaasi ay ahaayeen kuwa maalmahaan lagu raadjoogay oo hay’adaha amniga Soomaaliya ay ka warhayeen,balse ugu dambeyn Maanta la toogtay, iyaga oo doonayay inay dileen Agaasimaah Howlaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada xilli uu kasoo baxay Masjid uu ku dukaday Salaadii Jimcaha.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment