3969 Views

Baarlamaanka oo ka hadlay sharciga iibka iyo qandaraasyada Qaranka

Baarlamaanka oo ka hadlay sharciga iibka iyo qandaraasyada Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 07, 2015 – Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku leh xarunta golaha shacabka ayaa guda galay akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka iibka iyo qandaraasyada Qaranka.

Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka waxaa baarlamaanka dib ugu soo celiyay Guddiga maaliyadda, qorsheynta miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda oo gacanta ku hayay muddooyinka dambe, waxaana guddoomiyaha guddigaaasi Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh oo Xildhibaannada ka hor hadlay uu sheegay in sharcigan ay dib u habeyn badan ku soo sameeyeen.

Xildhibaan Dr Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa Xildhibaannada u sharxay faa’iidooyinka uu sharcigan u leeyahay dalka.

“Waxaa jirta qeyb ku saabsan qandaraasyada iyo iibka oo fursad u ah bulshada, waxaa kaloo jirta qeybta maalgeshiga ku saabsan oo la yiraahdo heshiisyada dheef wadaag ama ganacsi wadaaga, kaasi oo ganacsatada iyo hantida gaarka ah loo leeyahay ay ka qeyb qaadan karto” ayuu yiri Xildhibaan Dr Cilmi.

Xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo isna Xildhibaannada baarlamaanka ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigan uu ka koobanyahay saddex qodob oo aad ugu muhiimsan dalka, kuwaasi oo u baahan in mudanayaasha ay talooyinka ka soo dhiibtaan.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa mudanayaasha ka dalbaday in sharcigan ay soo akhristaan, isla markaana uu jiri doono maalin u gaar ah oo looga doodayo wax ka badalka hindise sharciyeedkan.

Sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka oo ka kooban 178 qodob ayaa mudanayaasha marka ay u soo gabo gabowda akhrinta saddexaad laga sugayaa inay meel mariyaan, maadaama uu muhiim ugu yahay dalka oo dhan.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment