444 Views

Somaliland oo ka hadashay dagaal saaka ka dhacday Laascaanood.

Somaliland oo ka hadashay dagaal saaka ka dhacday Laascaanood.
____________________________________________________________________________

Isniin : February 6 2023 

War qoraal oo ay wasraadda arimaha gudaha ee Somaliland ku daabcday boggeeda Facebook ayaa lagu sheegay in saaka waaberigii ciidamo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Somaliland lahaayeen iyo goobo ay dagnaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidmada Somaliland ay iska caabin sameeyeen, balse laguma sheegin qasaaraha ciidamada Somaliland ka soo gaaray iska hor imaadka.

“Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa ah kuwii ay horay uga digtay xukuumaddu, waxaana kamid ah kooxo xagjir ah” ayaa lagu yiri warkaan.

Dhanka kale odayaasha dhaqanka Laascaanood iyo ciidamada deegaanka ayaan wali ka hadlin dagaalkan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post