801 Views

Taliye Odowaa oo ku dhawaaqay howlgal Go’doonka looga qaadayo Koofur Galbeed.

Taliye Odowaa oo ku dhawaaqay howlgal Go’doonka looga qaadayo Koofur Galbeed.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 15 2020—Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo Muqdisho kulan gaar ah kuwa qaadatay Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen waxa ay kawada hadleen go’doon ka qaadista Degmooyinka Al-Shabaab joojisay isu socodkooda.

Kulan ka dhacay Hoyga Muqdisho uu ka degen yahay Madaxweyne Lafta gareen ayay isla garteen Taliyaha Militariga Soomaaliya in lagu dhaqaaqo fulinta howlgalkaan dib loogu soo celinayo isu socodka degmooyinka oo Al-Shabaab joojisay.

Labada dhinac waa Taliye Odowaa iyo Madaxweyne Lafta gareen waxa ay isla garteen fulinta qorshaan oo muhiim u ah dib usoo celinta isu socodka degmooyinka Gobolllada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Ciidamada Xoogga Dalka, AMISOM iyo Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ayaa iska kaashanaya howshaan, waxaana laga bilaabayaa Degmooyinka ugu muhiimsan ee waddooyinkooda aan la isaga kala gudbi Karin.

Al-Shabaab ayaa go’doomisay Degmooyin katirsan Koofur Galbeed, waxaana istaagay isu socodka Gaadiidka, ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ee mara waddooyinkaas waxa ay la kulmaan weeraro inta badan ku bilawda Miinooyinka dhulka la geliyo.

Xeryo Ciidamada DFS iyo Daraawiishta Dowlad Goboleedka KGS ay ku leeyihiin Deegaanno dhaca Gobolka Baay waxaa maalmihii lasoo dhaafay

weerar ku qaaday Al-Shabaab, waxaana barbar socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo dhankooda ay wadaan Ciidamadaan iskaashanaya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post