801 Views

Wiil hal goob ku dilay Shan kamid ah Qoyskiisa

Wiil hal goob ku dilay Shan kamid ah Qoyskiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 11, 2021—Ardey wax ka dhigta mid kamid ah jaamacadaha Kenya ayaa booliska ka hor qiray isla markaana faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dilay shan kamid ah xubnaha qoyskiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Simon Warunge oo 22 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in booliska uu u sheegay in uu bir ku garaacay hooyadiis, aabihiis, walaalkiis iyo qof qaraabo dhaw la ah ka hor inta uusan gelinin mindi.

Ardeyga ayaa booliska u sheegay in waaliddiintiisa ay ahaayeen kuwo dhib badan oo sheydaan ah, sida uu ku warramay wargeyska The Star.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay necbanaayeen isla markaana ay wax ka sheegi jireen isaga, sida uu baahiyay teleefishinka Citizen.

Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in weerarka uu ku qaaday qoyskiisa ay ka badbaadeen labo gabdhood oo isaga la dhashay.

Wararka waxay sheegayaan in hooyada dhashay wiilkan ay aheyd kalkaaliso qaabilsan climu nafsiga halka aabihiis uu ahaa kalkaaliye ka shaqeyn jiray Mareykanka kaas oo yimid xilliga fasaxa ka hor dilka loo geystay.

Waxaa socdaa baaritaanka ku aadan dhacdadan.

Booliska waxay xireen haweeney lagu tuhmayo inay saaxibo yihiin ninkan, waxaana maanta la horgeeyay maxkamadda.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post