1026 Views

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo xaruntaas ku soo dhaweeyay Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo xaruntaas ku soo dhaweeyay Madaxweynihii hore  Puntland  Cabdiraxmaan Faroole
____________________________________________________________________________

Isniin: July 26 2021


Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta oo Isniin ah Xafiskiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore dowladda Puntland, ahna Senatar ka tirsan Aqalka sare ee dalka, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).

Kulanka waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka labaad Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xoghayaha guud ee Golaha Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

Sidoo kale, waxa goob-joog ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka iyo La-taliyaha dhinaca Amniga ee madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmaya, xilli dhowaan la filayo in Baarlamanka Puntland doorto xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ku metela Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post