1272 Views

Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay xirayso dugsiyada Sare

____________________________________________________________________________


Sabti: December 4, 2021

Madaxda Sare ee dalka Itoobiya ayaa xiray dhammaan dugsiyada sare  ee ku yaalla dhamamaan ismaamulada iyo caasimada.

Dowladda ayaa ku sheegtay sababta in ardaydu ay dadka beeroleyda ahi ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada.

Wasiirka waxbarashada Itoobiya ayaa sheegtay in dugsiyada sare ay xirnaan doonaan muddo hal usbuuc ah oo ka billaabanayso isniinta soo socota.

Waxaa uu sheegay in dad badan oo ka shaqeyn jiray beeraha iyo soo gurida dalagyada ay ku biireen dagaalka ka dhanka Kooxda TPLF.

In ka badan laba milyan oo arday ah ayaa horay uga maqnaa dugsiyada dalkaasi sababo la xiriria colaadda dalkaasi oo sanad ka hor ka soo billaabatay gobolka woqooyi ee Tigray

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post