1170 Views

Beeralleyda dalka Hindiya oo ka carreysan sharciyo ay soo saartay dowladda

Beeralleyda dalka Hindiya oo ka carreysan sharciyo ay soo saartay dowladda
____________________________________________________________________________


Isniin: September 27, 2021

Kumannaan beeralley ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee dalkaas, taas oo qeyb ka ah shaqo-joojin dalka oo dhan ah oo ay sameeyeen, taas oo ka dhan ah saddex sharci oo ay sheegeen in ay halis ku yihiin noloshooda.

Waxaa hakad galay isku socodkii gaadiidka ee gobollada waqooyiga dhaca ee Punjab iyo Haryana, iyo sidoo kale waddooyinka waaweyn ee isku xira caasimadda Delhi.

Ururo ay ku mideysan yihiin beeralleyda ayaa sheegaya, in la xiray dukaamada ku yaalla gobollo ay ka mid yihiin Kerala iyo Bihar, iyagoona sheegay in isu soo baxyo lagu qaban doono gobolo badan oo dalkaasi ku yaalla.

Dowladda ayaa sheegtay in sharciyada la meelmariyay sanadkii hore wax badan ay ku faa’idi doonaan beeralleyda dalkaas.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post