780 Views

Burcad hubeysan oo xalay K/afrika ku dilay muwaadin Soomaaliyeed

Burcad hubeysan oo xalay  K/afrika  ku dilay muwaadin Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Burcad hubeysan oo u dhashay waddanka Koonfur Afrika, ayaa xalay degaan ka tirsan Gobolka Limpopo ee dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, sida laga soo xigtay Booliiska.

Marxuum Maxamed Cali Jimcaale, ayaa Burcadda hubaysan ku dileen goob ganacsi oo uu ku-lahaa Siloam, oo ka tirsan Gobolka Limpopo ee waddanka Koonfur Afrika.

Kooxdii dilka u gaystay muwaaddinka Soomaaliyeed, ayaa markiiba goobta isaga baxsaday, waxaana halkaas hawlgal ka bilaabay Booliiska dowladda Koonfur Afrika.

Booliiska ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan dhacdadan, islamarkaana dib ka shaacin doonaan natiijada ka soo baxda baaritaankooda.

Office Nairobi Kenya

\

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post