165 Views

Shacabka Soomaaliyeed oo ka soo horjeestay Xadgudubka Dowladda Itoobiya

Shacabka Soomaaliyeed oo ka soo horjeestay Xadgudubka Dowladda Itoobiya
____________________________________________________________________________

MOGADISHO – Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa martigalineysa dibadbax weyn oo looga soo horjeedo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland l.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Jimcaale Madaale oo Dadweynaha Gobalka Banaadir ugu baaqay in ay shacabku isugu soo baxaan Banaanbax weyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bannaanbaxaan u u ku qotomo sidii looga soo horjeesan lahaa heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray maamulka Somaliland iyo dalka Itoobiya, kaas oo madaxda iyo shacabku siweyn u falceliyeen.

“Dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool magaalada Muqdisho waxaan ugu baqayaa in ay kasoo qeyb galaan Banaanbax Bari ka dhici doono Gobalka Banaadir si aan u muujino dareenkeena ka dhanka ah xadgudubka iyo hishiis beenaadka dowlada Ethiopia ku dooneyso iney baddeena ku qaadato”.

Guddoomiye Yuusuf jimcaale Madaale ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Kama tanaasuleyno taako kamid ah Dhulkeena iyo Baddeena”, waxaana hadda caasimadda ka socda qabanqaabada banaanbaxa, xilli ay xusid mudan tahay inta badan shacabka ku nool gobollada Waqooyi in ay diideen heshiiskaan.

Guddoomiye Madaale ayaa xusay in xilligaan Soomaaliya ay ku jirto soo kabasho” in aan intaan horumarsanno, nabadeyno, dadka ku nool iyo deegaannadeen aan qurxisanno aan ku balannay, maanta in cad ka mid ah uu baxo ma ogala dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan” ayuu yiri gabagabada hadalkiisa.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya in aynu nabad ku wada noolaanno, gaar ahaan, xilligan oo duruufo adag ay ka taagan yihiin Geeska Afrika, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada iyo argagixisada.

_________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post