153 Views

Xiisado Siyaasadeed oo ka taagan xarunta Baarlamaanka Puntland

Xiisado Siyaasadeed oo ka taagan xarunta Baarlamaanka Puntland
____________________________________________________________________________

Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah, kadib markii ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin madaxtooyada ay xalay saqdii dhexe la wareegeen xarunta golaha wakiillada baarlamaanka ee magaalada Garowe.

Ciidamadii ilaalada u ahaa xarunta ayaa isaga baxay, waxaana saakay lagu arkayaa xarunta Baarlamaanka wadooyinka soo gala ciidamo ka tirsan kuwa mariiniska iyo gaadiid dagaal oo dhowr tiro ah, xaaladdaan ayaa abuureysa xasilooni darri ka bilaabata magaalada Garoowe.

Tallaabadan ayaa loo maleynayaa inay ku sal ku hayso sidii guddiga lagu muransan yahay ee xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, loogu wareejin lahaa xarunta baarlamaanka si ay ugu shaqeeyaan, xilli la bilaabayo soo xulista xildhibaannada cusub.
Khilaafka ka dhashay doorashada ayaa siixoogeysanaya , iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jabriil iyo xubno katirsan xildhibaanada ayaa ku adkaysanaya muddo kororsi hal sano ah oo ay meel marsadeen, inkastoo maxkamadda dastuurku laashay.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo doorashadu ay ka harsan tahay muddo kooban oo maalmo ah ayaa laga cabsi qabaa inuu ku yimaado dib u dhac, sababa la xiriira khilaafka doorashada ee u dhaxeeya dhinacyada, xilli xildhibaannadii hore iyo guddoonku dalbanayaan muddo kordhin.

___________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post