240 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo  ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 24, 2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba oo uu wax laga xumaado uu ku tilmaamay, wuxuuna ku hanjabay inay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in mudo dheer uu ku dadaalaayey in K/Galbeed uusan ka dhicin gacan ka hadal, isagoo sheegay inuu fidinayo gogol nabadeed oo cidii tabasho qabta ay ku soo bandhigi doonto.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii, isagoo sheegay in dagaalka Al-Shabaab mid aan aheyn aysan raali ka noqa doonin, “Cid kasta oo reer K/Galbeed ah waxaan ugu yeereynaa nabadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Laftagareen.

Madaxweynaha oo farriin u diray ciidamada ayaa faray inay sii laba jibaaraan baacsiga Al-Shabaab oo cid kale aysan ku soo jeesan, isagoo siyaasiyiinta ka codsaday in ciidanka aan la isku soo jeedin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post