420 Views

Ra’iisul Wasaae Rooble oo kulan la qaatay 16-kii Xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Ra’iisul Wasaae  Rooble oo  kulan la qaatay 16-kii Xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 202

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay 16-kii Xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Xildhibaanada kala hadlay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo la filayo in la qabto 15-ka bishaan May, waxaana uu ugu baaqay inay dadka iyo dalka u dooraan hoggaan u naxa oo hormar iyo barwaaqo gaarsiiya.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayuu ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ay qaadeen, isagoo ku boorriyay in ay dalkooda si hufnaan ay ku jirto ugu adeegaan.

Ugu dambeyn, dhankooda Xildhibaanada waxay Ra’iisul Wasaaraha ugu mahadceliyeen kulanka Soodhaweynta ah uu u sameeyay iyo dadaalkiisa ku aadan dhameystirka doorashooyinka dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post