1959 Views

Magacyada Ciidamada ay maanta xukuntay Maxkamadda Darajada 1-aad

Magacyada Ciidamada ay maanta xukuntay Maxkamadda Darajada 1-aad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | july 19, 2018 –  Iyadoo tira dhowr jeer ah ay Maxkamadda Darajada, 1-aad u fariisatay eedda loo heysto 18-qof oo ka tirsan Guutada 14-ka October ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa  xilli hore oo maanta ah ay Maxkamadda D, 1-aad go’aan ka soo saartay dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha.

Dable Xoogga dalka:-

  1. Xuseen Baashi Cawad Canshuur,
  2. C/wali Ibraahim Maxamed Xasan,
  3. Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur,
  4. Ismaaciil Saciid Muuse Xiir,
  5. C/wali Faarax Ismaaciil Maxamu’ud,
  6. C/shakuur Maxamed Xirsi Cali,
  7. Fatxi Aadan Cali Yuusuf,
  8. Jaaamac Cabdullahi Maxamuud Cige,
  9. C/kaafi Maxamed Diiriye Farweyne,
  10. Maxamed Axmed Dhalac Cabdi,
  11. C/nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi,
  12. C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise,
  13. Daahir Maxamuud Gurxan Cali,
  14. Axmed Jaamac Siid Cali,
  15. Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac,
  16. Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi,
  17. Cali Maxamed Abyan Cilmi iyo
  18. Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay 5-sano oo  xabsi ciidan ah keddib markii ay ku cadaatay in si wadajir ah uga qeyb qaateen abaabullo qabyaaladeysan  iyo kicinta rabshado ciidanka dhexdiisa ah, waxa ayna si usku mid ah  u diideen amarka taliyahooda oo uu wehliyo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed- sida uu u sheegay G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Adan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad.

Eedeysanayaasha ayaa  u doodayay 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo horay loo ruqseeyay kuwaasi oo xilli Ramadaan ah isticmaalay Maandooriye markii hore ka mamnuuc ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.

Guutada 14-ka October ayaa ku yimid baaqa madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka ah ee Soomaaliya keddib dhacdadii isgoyska Zoobe oo loogu magac daray 14-ka October.

xukun-1 xukun-2 xukun-3

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment