1065 Views

Banaanbax looga soo horjeedo Wadooyinka xiran oo Muqdisho ka bilowday

Banaanbax looga soo horjeedo Wadooyinka xiran oo Muqdisho ka bilowday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –-Boqolaal ka mid ah Darawalada ku shaqeysta Gaadiidka dadweynaha ee lagu Magacaabo PL-ka ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay Banaanbax ay kaga soo horjeedaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay guud xiratay Wadooyinka Muqdisho.

 

Darawalada oo ah kuwo careysan ayaa dhagxaan tuuraya , waxaana ay xireen qaar ka mid Wadooyinka Muqdisho.

 

 

Jidadka ay xirteen waxaa ka mid ah Zoobe, midka Buulo-Xuubeey iyo qaar kale, waxaa kale oo la diiday xataa gawaarida ciidamada iney maraan.

 

Darawalada ayaa sheegay in dowladda ka rabto Canshuur joogto ah , iyagoo aan heysan Wadooyin ay maraan, islamarkaana ay sii wadi doonaan banaanbaxa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment