1008 Views

Qaramada Midoobay oo raadineysa malaayiin doollar oo loogu gargaaro dadka reer Afghaanistaan

Qaramada Midoobay oo raadineysa malaayiin doollar oo loogu gargaaro dadka reer Afghaanistaan
____________________________________________________________________________


isniin: September 13, 2021

Qaramada Midoobay ayaa kulan heer sare ah oo ay ku leeyihiin magaalada Geneva, waxa ay ku rajaynaysaa in ay kor u qaaddo in ka badan lix-boqol oo milyan oo doollar oo gargaar deg-deg ah oo loogu talagalay dalka Afghanistan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay dhibaatada bani’aadannimo ee halkaasi ka jirta “musiibo soo socota”. Dhowr milyan oo reer Afgaanistaan ah ayaa hadda barakacay, kadib abaar ama qalalaase siyaasadeed oo dhowaan halkaa ka dhacay.

Dhanka kale, madaxa hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in xukuumadda ku -meelgaarka ah ee dhawaan lagu dhawaaqay ee Taalibaan aysan lahayn haween, iyo dad yar oo ka soo jeeda qowmiyado kala duwan marka laga reebo Pashtun.

Waxa ay raacisay, in saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, ay haweenku “si tartiib tartiib ah looga saaray” nolosha bulshada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post